Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha Baardheere Oo ka horyimid Xilka qaadis lagu sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baardheere ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay .

Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa xusay in uu isagu uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere, sida uu hadalka u dhigay.

Waxaana uu tilmaamay in warqadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya Jubbaland aysan wax ka bedali doonin maamulka uu ka hayo degmadaasi.

Sidoo kale Guddoomiyaha Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa ku baaqay in aan qal qal siysaasaded la galin shacabka ku dhaqan degmadaasi.

Waxaana uu DFS ka codsaday in ay soo faragaliso xiisada ka taagan gudaha degmadaasi Baardheere.

Halkan hoose ka dhageyso Codka.

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qor.mp3

The post Guddoomiyaha Baardheere Oo ka horyimid Xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this