Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Difaaca Israa’iil Oo Is-casilay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii golaha wasiirada dalkaasi ay gaadheen go’aan ah inay aqbalaan heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laba maalmood socday ee u dhexeeyo Israa’iil iyo ururka Xamaas.

90cdf4e4-181b-4a88-aead-ff8e3e03d905.jpg

Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in laisku dhiibay argagixisada.

Wasiirka wuxuu sheegay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda.

Siddeed qof ayaa lagu dilay Qaza labadii maalmood ee lasoo dhaafay, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqayn ka waday halkaasi halka ururka Xamaas ay gantaallo ka badan 400 ay u rideen dhinaca Israa’iil.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this