galbeedi Posted November 21, 2018 Ninkani in uu reer Bari sax ah yahay waxaan ku ogaaday. Waxa uu yidhi " Dagaalku kow iyo toban waji ayuu leeyahay". Barigii ay AHN C/laahi Yusuf iyo Cadde Muuse Isqabteen, reer Barigii aanu kaftami jiray waxa ay odhan jireen C/laahhi iyo reer Mudugu dagaalka hal mid kaliya ayey ka yaqaanaan oo waa an isku soo boodno, anagu reer bariga dagaalkayagu waa 11 nuuc. Quote Share this post Link to post Share on other sites
gooni Posted November 21, 2018 Waa caadi dadka badawdaa ama reer guuraaga way ka qalbi fiican yihiin xadaariga ama guri joogta aan fogaan. Dagaalka reer guuraagu waa mid qudha waa sax, waadna ka garan kartaa intuusan ku dillin ama naftaada ku dhaafin, markaas ama ka carar ama iska maslax, hadaysan taadu gelin waa ka badbaadi. Kan xaadaarigu waa 11 nooc oo aadan midna ka garan karin. Kan ugu sahlan waa markaad salaanto oo ay si fiican kuusoo dhaweeyaan, istaagaaga ka dib ay is fiiriyaan oo yiraahdaan boowe aa iskasoo orday mid wax kala og ma'ahan. Midkii khayr ku jiro allaha waafajiyo, runtii waa shacab aad wanaagsan ma dhib badna, waana istaahilaan hogaan wanaagsan oo aragti dheer. Quote Share this post Link to post Share on other sites