Sign in to follow this  
Deeq A.

Xaqiiqda Dhabta Ah Ee Magacaabistii U Dambeysay Ku Dhisnayd Iyo Tallo Siinta Dadweynaha, Khadar Sh.C/Lahi Iyo Wasiir Abgaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Dunida Umad iyo dal waliba waxa ay leeyihiin qaab dhismeed nololeed oo ka midho rogta tiirarka mabaadiida’ dhaqan kooda, diintooda iyo siyaasadooda gaarka ah; isla 3dan ayey badankoodu waafajiyeen nidaamyadooda dimuqraadiyada ama hanta goosadka ku dhisan , tanina waa ta keenta kala duwanaashaha danaha iyo qaab xisaabtanka umadaha dunida.

Somaliland waxa ay u baahantahay dimuqraadiyad ku dhisan dhaqankeena, diinteena iyo siyaasadeena gaarka ah oo dhamaantood u baahan faham fog oo qoto dheer si hanashada dalka iyo dadkuba u habsami u hanaqaadaan.

Tallo siinta Dadweynaha iyo wasiir abgaal:

Malahayga xaqiiqda dhabta ee magacaabistii madaxweynaha ee u dambeysay

ku dhisnayd waxa ay tahay sida tan :
Waxa aan arkaa in booskasta oo uu madaxweynuhu magacaabo , xilka -kaqaado ama uu u badalo meelkale ay ku dhisantahay isku darka 3 arimood : 1) xikmad siyaasadeed oo mudeysan 2) dhaqan u eegid haboon 3) muhiimada iyo mudnaanta xilkaasi , goobtaasi iyo qofkaasiba leeyahay iyadoo loo eegayo xil-doone kasta cuudka, cududka , baaxada beesha iyo muhiimada deegaanka iyo meesha ay degaani leedahay.

Magacaabistii madaxweyha ee u dambeysay waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan iyo dan siyaasadeed oo hada taagan darteed oo kala ah sidan:

1).Magacaabista wasiirka maaliyada hada iyo horeyba waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan oo ah : dhaqan ahaan waxa maaliyada iyo hantida loo dhiiban jiray 3 dumar ah mid kood, oo kala mudnaa, ku waasi oo kala ahaa 1. Sodohdaa, hadaaney jirin 2. hooyadaa, hadaaney jirin 3. gabadhaada; kaalintaa waxa ku jirey wasiirkii hore ee maaliyada oo ka soo jeeday beesha guud madaxweynaha hooyadii , imikana kaalintaa waxa ku jira wasiir sacad oo ka soo jeeda beesha xaaska weyn ee madaxweynaha; waxase ka sii wanaagsaneyd in wasiiradani ahaan la haayeen qof dumar ah oo kaalintaa buuxin kara halka rag ay ka yihiin hada iyo horey intaba.

2).Magacaabista Wasiirka arimaha Dibada: waxa ay ku dhisantahay xikmad siyaasadeed iyo dan wakhtigeedu ooganyahay sabankan la marayo, siyaasada arimaha dibada si qolof rid iyo jilid fiican loogu sameeyo ayey muhiim u noqotay in loo magacaabo masuul sare oo ka soo jeeda Gobolka Sool, maadaama uu xaalku yahay ( Hawl Nin kaa xigo iyo arin Nin kaa xigo midna laguma degdego ) arimaha geeska afrika maanta ka socda ee isirka soomaali ninka u ciyaarayaa noqday Farmaajo, Ninka ugu yaraan Xan la xogsado ka keeni kara waxa uu noqday Wasiir Faratoon , waayo Faratoon ayuun baa Farmaajo shax ahaan maanta inagaga aadmi kara !! haday noqoto waxa socda iyo hadey noqoto wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dhexmari karaya intaba.

Tallo siinta Khadar Sh.C/Laahi :

Gudoomiye khadar Sheekh C/laahi waxa aan leeyahay sxb waan kula dareemi karaa xanuunka hayeeshee , Hadal aamus baa u dawo ah, xilka qaadistaada sharafteedu waa aamusnaan, aniga oo aan difaac kaa xigsaneynin madaxweynaha waxa aan filayaa in madaxweynuhu ka xishooday in magaca aabbahaa Sh.C/Laahi Sh.Cali Jawhar qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qoyska reer sheikh Cali Joohar iyo tixgalin gaara oo ay u hayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay u quudhi kari waayeen ku qorista warqad xilka-qaadis ah magacyadani karaamada leh; adiga ayaana lagaa rabaa in aad sirtaasi fahanto wallaal.

Arinta tacabka aad sheegtay ee ku jirtay hadalkaagii wallaal qofkasta oo muwaadin ah oo aad ku jirto adigu tacab ayuu dalka galiyey haba lagu kala badnaadee, balse qoys ahaan reer Sh.Cali Jawahar tacabkooda dalkoo dhan baale, gaar ahaan Awdal gaar ahaan Ba’ Doobiro , gaar ahaan Bahaber Cabdale , waxa aan aad u rajeynayaa in qof kale oo Bahaber Cabdale ah badal lagaaga dhigo adigana waxkale oo ka sii wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa insha’allah.

Dr.khadar -Libaaxley

dr.khadar05@gmail.com

gargorey4@gmail.com

Regional political analysts

11/14/2018

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this