Deeq A. Posted November 14, 2018 Mundane madaxwayne bulshadeena reer somaliland waxa weeye bulsho dhaqaale ahaan u badan sabool , Aqoon ahaan u badan dad aan waxna akhriyin waxna qorin , dhaqan ahaan reer guraa ah , isgaadhsiintooduna tahay maxaa la yidhi, markaynu intaa ka nimaadno , waxay aaminsanyiin in uu shakhsi beeshooda ah uu wax uga keeni karo maamulka iyo dawlada markaa jirta , waxan ku matali karaa joharad iftiimaysa oo ay nuurka ka qaataan, Waxa hubaal ah shaqsiyaadkaasi inaanay waxtar ulahayn gaar ah dadkaas lkn waa aaminaad bulsho, inuu hebel kasoo jeeda beeshoodu haduu ka muuqdo maamulka ay ugu dhantay iyaga . Guntii iyo gunaanadkii , mudane madaxwayne dadwaynaha ku kasbo qodabadan soo socda, 1. Daacadnimo, waxad qabanayso iyo waxaad magacaabaysaba. 2. Cadaalad, inaad ku maamusho dadka iyo dalkaba , oo aad dadka tusto in aad madaxwayne uwada tahay kuuna simanyiin, 3, inaanad cidna ka ogolaan ku tagrifal hantiyeed , awoodeed iyo mid maamul , xataa ka dad kuugu xiga ha ahaadee. 4. Jihayn , inaad dadka ka jihayso siyaasada una jihayso barnaamijyo waxqabadleh , sida waxbarashada, nadaafada deegaanka iyo fanka iyo suugaanta iyo waxii lamida 5. Ladagaalnka sixirbararka , inaad jaangoyso sixirka iyo dhaqaalaha wadanka, ood abuurto ilo dhaqaale si loo badiyo shaqo abuurka. 6. Tayaynta waxbarashada, in kor loo qaado tayada jaamacadaha lana yareeyo kuwii aan u qalmin. 7. Siyaasada dibada . Inaynu raadsano asxaab ka duwan kuwii hore inagoo ka iibinayna waxaynu khayraad iyo istraatiijiyad leenay. Todobadaa qodab hala share gareeyo si at u gaadho madaxwaynaha ama maamulka ka agdhaw ay u gaadhsiiyaan . Dr . Mohamoud cabdi qiyaas . Source Share this post Link to post Share on other sites