Sign in to follow this  
Deeq A.

Sida Loo Xannaaneeyo Carruurta Qaba Cudurka Macaanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Bisha Nofeembar 14-keeda, sannad kasta waxaa la xusaa maalinta cudurka macaanka ama sokorowga ee adduunka, waxaana sannadkan haldhidhigga munaasabaddaas laga dhigay “Qoys macaan qaba”, BBC Somali ayaana la kulantay qoys qaba Macaan.

Macaanka waa xanuun qofka nolosha la qeybsada oo sababa in heerka sokorta ee dhiigga uu aad sare ugu kaco.

Wuxuu cudurkan leeyahay labo qeybood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah:

Qeybta 1aad ee macaanka – oo ah marka uu difaaca jirka weerar ku qaado isla markaana burburiyo unugyada dhiigga ee soo saara sokorta.

Qeybta 2aad ee macaanka – oo ah marka uusan jirka si buuxda u soo saari karin sokorta, ama unugyada qaabilsan soo saarista sokorta aysan awood lahayn.

Waa cudur dilaa ah oo ka jira guud ahaan dunida, waxaana maanta oo kale, oo ay taariikhda ku beegantahay 14-ka bisha kow iyo tobanaad loo asteeyay in la xuso, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah cudurkaas iyo caawinta dadka la ildaran.

Inta badan dadku waxay aaminsanyihiin in xanuunkan uu bartilmaameedsado dadka waaweyn iyo kuwa jirkooda uu cayilka ka batay, laakiin dhakhaatiirta caalamka ayaa walaac xoogan ka muujinaya in Sokorowga uu hadda faro ba’an ku hayo carruurta.

BBC Somali ayaa xuska sannadkan ku soo beegtay war bixin ay ku faahfaahineyso sida ugu haboon ee loo xannaaneyn karo dhallaanka la nool cudurkaas, maadaama ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya Macaanka.

Waxaan la kulannay qoys Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil yar oo qaba Macaanka, si aan wax badan uga ogaanno sida loo xannaaneeyo ilmaha ay dhibaatadaas heysato.

Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cali ayaa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda curadka u ah saddex carruur ah oo ay dhashay uu soo ritay xanuunka macaanka ama sokorowga, isagoo 4 sano jir ah.

Waxay aad uga taxadartaa xannaannada wiilkeeda xanuunsan iyo raashinka uu cuno, waxayna nooga sheekeysay sida ay markii ugu horreysay ku ogaadeen nooca uu cudurkiisa yahay.

“Waxaan aad ula yaabnay waxa ku dhacay, waayo anigu waligey ma arkin qof qaba Sokoroow. Muddo 15 maalmood ah ayuu ku caatoobay, tabarti oo dhan ayaana ka dhammaatay. Ka dib gabar dariskeenna ah ayaa nagu tiri cunugan amuu qabaa sokorow, waxaan geynay isbitaalka dhakhaatiirtiina waxay noo sheegeen inuu qabo qeybta koowaad ee cudurka sokorta, cimrigiisa inta ka dhimanna uu cirbad qaadan doono”.

Sidee loo xannaaneeyaa ilmaha qaba cudurka macaanka?

Farxiyo ayaa noo sheegtay in wixii ka dambeeyay xilliga ay wiilkeeda ku aragtay cudurka Sokorowga ay nolosheeda wax badan iska baddaleen.

“Aniga waan shaqeysan jiray laakiin waan iska dhaafay shaqadii, asaga dartiis ayaan guriga u fadhiyaa. Marka ay sokortiisa kacsantahay wax yar oo khalad ah hadduu ilmaha ku arko wuu xanaaqayaa, ma u dul qaadan karo, wuu oynayaa, balse marka ay sokortiisa daggantahay waa iska caadi”.

Waxay sheegtay in ay ka ilaaliso wax kasta oo ay carruurta isticmaalaan, oo uu macaan ku jiro sida: Nacnaca, Buskutka noociisa sokorta leh, doolshada iyo Jallaatada.

MacaanLahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK

Farxiyo waxay maalintii ilaa saddex jeer wiilkeeda ka cabirtaa heerka sokorta, sidoo kalena habeenkii ayay kacdaa si ay u hubiso.

“Habeenki hadduu jiifo xitaa waxaan taabtaa wadnihiisa waana ka cabiraa sokorta. Haddii ay hoos u dhacsantahay waxaan siiyaa malab” ayay tiri.

Maxamed Cabdullaahi, oo ah wiilka ay Farxiyo dhashay ee qaba sokorta ayaa isaga qudhiisa la qabsaday xanuunkan wuxuuna iska ilaaliyaa wax walba oo dhibaato u keeni kara.

Wuxuu mararka qaar gacantiisa iskula duraa cirbadda uu joogtada u qaato.

Hase ahaatee carruurta aysan da’doodu gaarin heer ay is xannaaneeyaan ayaa waalidkooda looga baahanyahay iney ku dadaalaan xannaaneyntooda.

Dr. Cabdisalaan Maxamed Macalin oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada carruurta ayaa BBC-da uga warramay saameynta uu cudurkan ku leeyahay carruurta.

“Nooca 1aad ee cudurka macaanka marka uu carruurta ku dhaco intooda badan waxay ku dhiman jireen guriga, laakiin hadda dadka way fahmeen waxayna si deg deg ah ula xiriiraan isbitaallada, si wakhti hore loo ogaado” ayuu yidhi.

Wuxuu Dr Cabdisalaan sidoo kale sheegay in cudurka Sokorta uu 10% ku dhaco carruurta, loona baahanyahay in si aad ah loogu dadaalo xannaaneyntooda.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this