Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Ciyaara Galabta kulan Xiiso Badan leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciyartoyda xulka qaranka dalka Soomaaliya  ee 23-jirada ayaa manta ciyaraya kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan.

Soomaaliya ay galabta wajihi doonto dhigoda Ethiopia kulan Xiiso badan oo isla Itoobiya ka dhici doono galabta oo Arbaco ah.

Kulankani ayaa ah mid aad u xiiso badan waxana labada dal ee sida wayn  u xifaaltama ee Soomaaliya iyo Itoobiya kulankooda uu ka dhaca doonaa garonka kubada cagta ee Adisababa ee loo yaqaano IS oo kuyala maglda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Kulankaasi ayaa waxa uu soo dhici doonaa 3:30 PM xiliga geeska Africa.

Wiilasha qaranka Soomaaliya ayaa sanadkaan waxaa ay  qaban rajo kawayn kuwii hore iyadoo taasi lo sababeeynayo tababaro dheeriya oo ay helen ciyartoyda qaranka Soomaaliya.

Waxaa la xusuustaa ee sanadkii hore ciyaartooyda 17-jirada ay gaareen kulanka kama danbesta finalka ee CECafa.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post 

The post Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Ciyaara Galabta kulan Xiiso Badan leh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this