Deeq A. Posted November 14, 2018 Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaasi. C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa xusay in Jidgooyooyinkan Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ay soo dhigteen inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Sh/ Hoose in ku dhawaad 300 oo Gawaari ah ay ku xaniban yihiin degmada Afgooye ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-sh-hoose.mp3 The post Isbaarooyin hore leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites