Sign in to follow this  
Deeq A.

Wefti uu Hogaaminaayo Gudomiyaha Baanka Dhexe ee S/land oo Kulamo la yeeshay Shirkado Maaliyadeed+Calankii somaliland oo laga taagay Xarumahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

WAFDIGII UU HOGAMINAAYAY GUDDOOMIYAHA BAANK DHEXE EE SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY SHIRKADO MAALIYADEED IYO CALANKII SOMALILAND OO LAGA TAAGAY XARUMAHOODA.

 thumbnail_PHOTO-2018-11-13-21-40-54-1.jpthumbnail_PHOTO-2018-11-13-21-40-54.jpgPHOTO-2018-11-13-21-40-54.jpg
IMG_3781.jpg

Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee u  anbabaxay  dalka Ingriiska aya kulamadoodii  ugu horeeyay la qaatay  qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdiga  ka socday Somaliland  waxa  si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeen  waxaana calanka Somaliland ee towxeedku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso  muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska.

Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed oo  xaruntoodu tahay magaalooyinkaas
.

Halkan ka Daawo Muqaalka Warkaas:-

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this