Deeq A. Posted November 14, 2018 Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog Nerws, waxa uu kaga hadlay arrimo ku aadan xil ka qaadis uu shalay ku sameeyey madaxweyne Axmed Madoobe. Kaliil ayaa sheegay in markii horeba uu damacsanaa in xilkaasi uu iska casilo, islamarkaana waxa uu tilmaamay iney jiraan sababo badan oo aan looga sii mid ahaan karin Jubbaland. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe inuu yahay shaqsi doonaya inuu kaligiis taliyo, islamarkaana uu isku dirayo qabiillada waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiiru-Dowlahii-Amniga-Jubbaland-oo-is-Casiley.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites