Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Shacabka Oo Cod u qaadayo ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka.

Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka.

Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan.

The post Golaha Shacabka Oo Cod u qaadayo ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018 appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this