Sign in to follow this  
Deeq A.

Oromada iyo Soomaalida Oo ku dagaalamay Mooyaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Mooyaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo saaka aroortii hore dib uga qaraxay degmada Mooyaale oo dhacda xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia.

Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku sii fiday deegaano hoostaga degmadaasi Mooyaale.

Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi.

Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in durbo ay bilaabeen dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi.

Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaanadii lagu diriray ee xadka Kenya iyo Ethiopia.

The post Oromada iyo Soomaalida Oo ku dagaalamay Mooyaale appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this