Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidammada Faransiisku Miyay Ku Jeesjeeseen Madaxweyne Donald Trump?

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Paris)-Ciidammada Faransiiska ayaa u muuqda in ay ku jeesjeeseen madaxweyne Trump shalay iyaga oo Twitterka adeegsanaya, arrintaas ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanku uu baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa qubuur ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, isaga oo arrintaas ku micneeyay cimilada oo xumayd awgeed.

104301278_2f170830-ca20-4100-a59a-992164

“Roob baa da’aya dhibse ma jiro” ayaa lagu soo qoray ciwaanka ay ciidammadu ku leeyihiin Twitterka. Waxayna soo raaciyeen #MondayMotivation oo macnaheedu yahay dhiirigalinta Isniinta.

Trump ayaa aad loogu dhaliilay in uusan booqanin qubuuraha Aisne-Marne American ka hor xuskii boqol guuradii ka soo wareegtay markii uu dhammaaday Dagaalkii Koobaad ee Adduunka.

Ciidammada Faransiiska ayaa intaas ka dibna sheegay in ay Twitterka ula jeedeen tababarkooda.

“Way mahadsan yihiin taageerayaashanada qoraalkan sii faafiyay” ayay soo qoreen ciidammada oo dabo socda qoraalkoodii hore waxayna intaas sii raaciyeen “waan ka xunnahay kuwa sida khaladka ah u fahmay, wax kale oo looga gollahaa ma jiro oon ka ahayn hawlihii caadiga ahaa ee ciidammada u yaallay taas oo maanta uu roob ku soo aaday!”

Af-hayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, ayaa difaacday go’aanka uu madaxweynuhu uga baaqday munaasabadda qubuuraha ee Sabtidii, waxayna sheegtay in cimiladdu ay aad u xumayd oo aragga uu saameeyay isla markaasna uu ka baaqsaday in uu kolonyo baabuur ah ku dhex maro Paris isaga oo diidaya in waddooyinka loo xiro ka dibna arrintaasi dadka saamayn ku yeelato.

Isla Isniintiina Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uusan ka qaybgalayn xuska lagu qabanayo qubuuraha Arlington National Cemetery.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this