Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaalka Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada oo dib kaga bilowday Mooyaale

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa dib kaga biloday saaka Degmada Mooyaale ku taala xuduuda u dhaxeya labada dal.

Ku dhawaad 10 ruux ayaa wararka la helayo saaka ay sheegayaan inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka lagu dul dagaalamayo.

Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ee Soomaalida ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi u tagay inay kala dhex galeen labada Qowmiyadood, laakiin ma aysan sheegin cidda ay la safteen.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Cabsi xoogan ay ka jirto taasi oo soo foodsaartay Soomaalida ku nool deegaanka Mooyaale, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu intaasi kasii xoogeysan karo.

Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan, waxaana fashilmay wadahadalo maalmihii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaal beeleedka u dhaxeeya labada qowmiyadood.

Gelinkii dambe ee shalay ayuu dagaal sidaan oo kale ah uu dhexmaray labada Qowmiyadood, waxaana madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida laga dalbaday inuu arintaan xal ka gaaro.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this