Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka meletariga oo Gaadiidkii ugu badnaa ku xanibay Afgooye iyo xiisad taagan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan inta u dhaxeyso Degmada Afgooye ilaa deegaanka Carbiska ayaa lagu eedeeyay inay xanibeen gaadiidkii ugu badnaa oo u socday Koofur Galbeed.

Inka badan 200 oo Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ciidamadan waxay ku xanibeen agagaarka deegaanka Carbiska, waxaana maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen in gaadiidkaan ciidamada ka doonayaan dhaqaalo aad u badan.

Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadan ay ku amreen gaari kastaa inuu bixiyo dhaqaalo gaaraya 5 kun oo doolar, sida uu hadalka u dhigay, taasina ay caqabad weyn ku tahay dadka uu rarka u saaran yahay gaadiidka.

Bagaash badan oo laga bixiyay dekada magaalada Muqdisho ayaa saaran gaadiidka, waxaana leh ganacsatada Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyadoo taasi ay caqabad kale noqon doonto haddii aan la xalin.

Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee eedeynta loo jeedinayo, iyadoo horey madaxweynaha Soomaaliya uu ka digay in gaadiidka lagu dhibaateeyo gobolka Shabeelaha Hoose.

Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in muddo lix maalin ay ku xayiran yihiin agagaarka degmada Afgooye, “Baabuurta wey xayiran yihiin, ilaa Carbiska ayay safan yihiin, waxay u socdeen Gedo, Baay iyo Bakool, Ciidan labisan ayaa heysta Gaadiidkaasi oo raashiin wada”ayuu yiri Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this