Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Horumarinta Gobollada iyo Deggaanada Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Somaliland: Horumarinta Gobollada iyo Deggaanada Somaliland.

Waxaa lama huraan ah in Somaliland u baahantay in la adkeeyo amaba la gaadhsiiyo dhamaan Gobollada iyo degaanadda dalka, maamulka dawladda iyo ka ganacsigaba.

Waxyaabaha dalalka horumarka gaadhay ay ku da’daalaan waxaa ka mid ah, kordhinta dhaqaalaha, maamulka iyo ganacsiga deggaanada dalkooda, aan ahayn caasimadda oo keliya.

Dalkii la odhan jiray Jamhuuriyada Soomaaliya ee wakhti tagay Somaliland ka mid ahayd sababaha ugu waaweyn ee u burburay waxaa ka mid ahaa, isku soo koobidda caasimadda dhamaan hawlaha quseeya dadka.

Hadaad shaqo doonta ahayd, hadaad arday jaamicad ahayd, hadaad ganacsade ahayd, hadaad dhakhtar u baahantahay iyo wixii la mid ah, waxay sheekadu noqotay caasimadda tag. Ummadii dalka oo dhan baa isku soo shareertay magaalo madaxdii.

Ummadaa isku soo shubaysa magaalo madaxda waxay keenasaa shaqo la’aan, sicir-barar, musuqmaasuq, iyo waxyaabo kale oo fara badan oo keenaya nolol xumaan iyo dirir.

Ilaa iyo maanta arrinkani weli wuu ka taagan yahay Geeska Bariga ee Afrika. Somalilandna way ka mid tahay wadamadda uu mushaalkani ka taagan yahay. Maanta, waxaad ka arkaysaa in Hargeysa noqotay sidii ay Xamar ahaan jirtay. Wax alaale wixii quseeya nolosha ummada dalka, waxay isku soo koobeen Hargeysa.

Hadaad eegtid wadamadda horumarka gaadhay, waxyaabaha ay dawladdahoodu xooga saaraan waxaa ka mid, “regional development”, horumarinta gobollada. Waxay wadamaddaasu xoog culus saaraan sidii ay nolol wanaagsan ugu dhaqmi lahaayeen dadka deggan gobollada iyo degaanadda dalka oo dhan, oo ayna ku soo yaacin magaalo madaxda.

Waxaa muhiim ah in laga helo magaalooyinka dalka oo dhan waxyaabaha ay u baahan yihiin umadda deggan goobahaas. Haddii ay noqoto nabadgelyo, shaqo, waxbarasho, caafimaad, ganacsi, warfaafin, iwm.

Siyaabaha lagu helo horumarka sidaas oo kale ah waxaa ka mi ah, in ay dawladda xukun dalka haysaa biloowdo barnaajimyo loogu talo galay gobollada iyo deggaanada.

Hawlaha hada ka socda magaalada Berbera, sida balaadhinta dekedda iyo jidadka u dhexeeya Badda Cas iyo xuduudka Itoobiya, waa ka mid. Lakiin, ma aha inay intaaso oo keliya ahaadaan.

Dhamaan magaalooyinka iyo deggaanada Somaliland ayaa looga baahanyahay barnaajmiyadaas oo kale. Waa in wakaaladaha dowladda qaarkood oo loo raro gobollada kale, iyo magoolooyinka kare, sida Booraama, Burco, Ceerigaabo iyo Laas Canood.

Ilaa iyo hadda, lama hayo dawlad Somaliland ka curutay oo arrinkan xoog saartay. Shaqsi walbi oo isu soo taagay doorasho xafiis, waxaa ugu muhiimsan, Villa iyo Land-cruiser uu Hargeysa kolba dhinac u eryo. Waa shaxdii Xamar ka socon jirtay burburkii ka hor.

Tariikhda cashar baa laga qaata. Haddii aynu maanta sidaa ku socono, wixii hore inoo soo maray uun baa berrina dhici doona.

Allaa Mahad Leh

Axmed Kheyre

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this