Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhageyso: Maxay Ka Dhigan Tahay In Dakhli Loo Raadiyo Ciidanka Iyadoo Amniga Uu Faraha Ka Sii Baxayo?

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa Isniinta shalay, wuxuu hortegay xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah.

Miinsaaniyadda dowladda 2018 ayaa ah 340 milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah, xili sanadkii hore ay aheyd 274, balse Wasiir Bayle oo Aqalka Hoose hortegay maanta wuxuu sheegay inay kusoo dareen 22 kale oo dheeri ah.

Isaga oo ku guda jira bidhaaminta Miinsaaniyadda ayuu Wasiir Bayle carabka ku dhuftay in 17 milyan oo Dollar oo kamid ah ay mushaar ahaan u qaadan doonan ciidamadda xooga dalka qaybihiisa kala duwan.

Haddaba, waxaa jirta in mudanayaasha qaar ay ku gacan seyreen dalabkani ka yimid xukuumadda iyadoo ammaanka magaalada Muqdisho uu faraha ka sii baxayo.

Danjire Maxamed Maxamuud (Caalim) oo ka faallooda arrimaha Soomaaliya ayaa qaba in aynaan wax isqaban kara ahayn in dakhli hor leh loo raadiyo ciidamada iyadoo ammaanka caasimadda dalka ee Muqdisho uu sidan yahay.

Waxaa kaloo tilmaamay in arrintaas ay wacnayd in wasiirrada shaqada ku leh ciidanka iyo amniga ama guddiga difaaca ee gollaha shacabka ay  la yimaadaan.

HOOS KA DHAGEYSO:

https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/CAALIM-1.mp3

 

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this