Deeq A. Posted November 13, 2018 Booliska ayaa magaalada Garoowe caasimadda Puntland howlgal ay ka sameeyeen waxay ku soo qabqabteen maandooriyeyaal kale duwan. Ciidamada xasilinta dowladda Puntland ee Garoowe ayaa gacanta ku soo dhigay maandooriyaha Khamriga oo aad u badan iyo sidoo kale maandooriyaal kale. Taliyaha ciidamada Gen. Muxiyadiin Aw Muuse ayaa saxaafadda farriin hanjabaad ah u mariyay kuwa ku howlan arrimahaas isagoo ku hanjabay in dhallinyaro ay ka war hayaan ay soo xiri doonaan dhowaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Khamri-aad-ubadan-oo-ay-soo-qabtee-ciidanka-Booliska-Puntland-oo-Garowe-Lagu-soo-bandhigay.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites