Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudane Wasiir Dalkani Ma Qaadi Karo Bandoo Lagu Rogo Sababahan Dartood..W/Q Rooble Maxamed Saxardiid

Recommended Posts

Deeq A.   

1- Dalku ma qaadi karo Bandoo lagu soo rogo mar kele iyadoo tii ugu dambaysay ay ahayd 1988 oo casarka la is xerayn jiray.

05C4BC95-0039-4715-A0EB-75675D3649F5.png
2- Dalku maaha kii Militarigu xukumayay ee Amarka lagu kala waday ee waa dal sharci kala wado. Wixii u baahan in la mamnuuco ama wax laga bedelo waa in uu jiraa sharci sidaa sheegaya oo Baarlamaanku ansixiyay. Haddii qof waliba meesha uu joogo Amar ka soo saaro waa fawdo iyo is dhex yaac kele iyo xukun kala maroorsi. Fadlan Sharci soo sam ee oo Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanka soo mari si laguugu ansixiyo.

3- Haddii aad xataa awood adeegsato oo aad dad iyo meherado soo xidho ma jirto Maxkamad kuu xukumaysaa waayo ma jiro sharci odhanaya saacaddaas meheradaha ha la xidho waana wax adiga uun kugu soo noqonaysa. Taasina waxay keenaysaa uun in aad dadka isku dhacdaan oo aad sumcad xumo ka qaaddo. In aad xilka ku waydaana waaba suuragal oo sidaa lagugu eryo adigoo weliba dadkiina isku diray.
4- Wixii dhaqan xumo ahi waa dhaqan xumo ee ma jirto dhaqan xumo wakhti ku salaysani. Waa in ama la wada mamnuuco ama la iska wada daayaa. Waa aniga oo idhaahda Khamriga iska cabba laakiin wixii 9 ka ka dambeeya waa mamnuuc oo kele uun. Haddii aad goobahaa aad sheegayso leedahay dhaqan xumaa taalla, adiguna dhaqan xumadii uun baad ogolaatay inta 11:50 ka horraysa ee la soco.
5- Maxaa keenay in uu go’aan kani soo baxo 3 maalmood ka dib markii Xamar na uu go’aankanoo kele ka soo baxay ? Maxaa labada go’aan isku beegay ilayn awalba xilka waad haysay oo waad joogtaye ? Ma xidhiidh baa jira ??
6- Shirkaagii jaraa’id waxa ka muuqday is dhex yaac iyo hadalkaaga oo aan habaysnayn oo kolba la moodayay inaad wax ilowday oo aad dib u gocanayso. Amarkaasina hadal (Oral) mooyaane ilaa hadda inta aan ogahay qoraal kumuu soo bixin si loo tixraaco. Markaa dalka ma hadal baynu ku maamulnaa wasiir ??
7- Haddii khamri iyo maandooriye laga hadlayo waa la yaqaanaa goobaha suuqa madow ah ee lagu iibiyo iyo dadka keenaba waana wax xuduuddeena ka soo gudba oo si qarsoon dalka loo soo geliyo. Miyaanay markaa muuqan in aad ku fashilantay in aad goobahaa iyo dadkaa keenaba wax laga qabto oo imika la rabo in cadhada lagula dhaco goobo gaar ah oo meherado ah oo aan laguba iibin maandooriyahaa ??
8- Somaliland 27 kaa sannadood ee ay jirtayba qof waliba xilliguu doono ayuu hoyanayay hudheelada iyo goobaha cawayskuba way furnaayeen amaanka iyo hanaanka guud ee dalkana midna waxba may yeelin oo waataa dalku ammaanka yahay. Maxaa is beddelay ??
9- Inta aanad amarkan soo saarin goobahaa aad sheegtay ilayn waynu isla garanaynaaye ma la kulantay oo ma ka wada hadasheen ??
10- Madaxweynuhu ma kula og yahay go’aankan ??
Mahadsanid

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this