Sign in to follow this  
Deeq A.

Wararkii ugu dambeeyey Jilib kadib sarkaalkii ajnabiga ahaa ee Shabaab dileen iyo xubno sheegay in…

Recommended Posts

Deeq A.   

Jilib (Caasimada Online) – Magaalada Jilib, waxaa maanta ka taagan xiisad ka dhalatay dil shalay loo gaystay Sarkaal Ajnabi ahaa oo ka tirsanaa Shabaab, kaasi oo lagu eedeeyay inuu gacan saar la lahaa Kooxda Daacish ee Somaliya qayb ka mid ah ka dagaalanta.

Xiisadan ayaa waxa ay u dhaxeysa Shabaab dhexdooda oo ku kala aragti duwanaaday dilka loo gaystay Abu Anas Al-Misri, oo shalay lagu dilay Magaalada Jilib, kaasi oo la sheegay inuu diiday is dhiibitaan, kadib markii ciidamo Shabaab ka tirsan ay ku amreen inuu is dhiibo uuna la soo baxay bambo, kadibna ay toogteen Shabaab.

Saraakiisha Shabaab qaarkood ayaa ka carooday falka ninkaasi Ajnabiga ah lagu dilay, waxayna sheegeen in arrintaasi lagu fududaaday, taasi oo keeni karta niyad jab soo wajahda Ajaanibta kale ee Shabaab dhexdooda ku sugan.

Wararka ayaa sheegaya in maanta Jilib laga dareemaayey xiisada ka dhalatay arrintaasi oo ka taagan Magalada Jilib, islamarkaana Madaxda Shabaab ay isku dayayaan inay xaliyaan arrintaasi oo si wayn aysan saameyn u yeelan.

Sidoo kale waxyaabaha dhaliyay xiisadan ayaa waxaa ka mid ah rag Somali ah oo Shabaab shalay ay xireen, kuwaasi oo looga shakisan yahay inay Daacish xiriir dhaw la leeyihiin.

Ragga Shabaab ay xireen, ayaa waxa ay ku jiraan xabsi ku yaallo Magaalada Jilib, waxaana laga cabsi qabaa in xukun ay ku ridaan Shabaab.

Al-Shabaab ayaa dadka ay ka arkaan inay ku dhaqmayaan aragtida Daacish, waxa ay ku ridaan xukuno adag, waliba dil ah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this