Sign in to follow this  
Deeq A.

Shaqaale Ka Tirsan Shirkada Hormuud Oo Magaalada Muqdisho Lagu Toogtay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dabley hubeysan ayaa Magaalada Muqdisho waxa ay dhaawac iyo dil ugu geysteen labo qof oo ka tirsanaa Shaqaalaha Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Bakaaraha.jpg

Dad goobjoogayaal ayaa Dalsan u sheegay in dilka iyo dhaawaca uu ka dhacay Isgoyska Baar-Ubax ee Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir, isla markaana loo gestay lab qof oo ka tirsanaa Shirkadda Hormuud.

Sidoo kale waxaa la sheegay in falkan uu dhacay xilli ay kusii jeedeen Masjid ku yaalla Isgoyska Baar Ubax si halkaasi ay ugu soo dukadaan Salaada Duhur,waxaana rasaasta lagu furay ragaan ku dhaawacmay Haweeney goobta ka agdhaweyd.
Ruuxa la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Daahir Nuur Karaane halka midka la dhaawacay isna magaciisa lagu soo gaabiyay Gurey,waxaana uu ahaa mid kamid ah ilaaladda Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud.

Kooxii hubeysnaa ee falkaan geystay ayaa la sheegay in ay durbo goobta ka baxsadeen.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa goobta gaadhay, kuwaas la filayo inay Warbaahinta la hadlaan.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this