Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo ku baxay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska qeybta 21 aad militariga Soomaaliya ee ka hawlgala dowlad goboleedka Galmudug ayaa maanta ku baxay  degaanka Hardis oo qiyaastii 25KM galbeed kaga beegan degmada Balanbal ee gobolka Galgaduud,halkaasoo uu dagaal ku dhexmaray laba malayshiya-beeleed.

Taliyaha hawlgallada militariga Soomaaliya qeybtiisa 21 aad ee Galmudug, G/sare Cabdulqaadir Maxamed Cartan ayaa xaqiijiyay in ciidamadu ay ku baxeen degaannada labada malayshiya-beeleed ku dagaallameen,sida ay ka soo xigatay wakaaladda Wararka SONNA.

G/sare Cartan wuxuu intaasi ku daray taliska ciidanka xoogga dalku uu amar ku bixiyay in la kala dhex galo malayshiyaadka,si dagaal dambe uusan halkaasi uga dhicin. Dhulka lagu dagaallamay waa miyi ay ku sugan yihiin dad reer guura ah,waxaana dagaalku salka ku hayaa muran ku saabsan dhul-daaqsin iyo aanooyin qabiil,sida ay SONNA sheegtay.

PUNTLAND POST

The post Ciidamo ku baxay malayshiyaad ku dagaallamay Galgaduud appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this