Deeq A. Posted November 13, 2018 Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in barqanimadii maanta dil iyo dhaawac ay ka geysteen Isgoyska Baar-Ubax ee magaalada Muqdisho. Kooxdan oo ku hubeysneyd Bastoolado ayaa la sheegay in ay weerareen 2 nin oo sii galayay Masjid ku yaalla agagaarka Isgoyskaasi, iyadoona mid ka mid ahaa uu ku dhintay weerarka, halka kan kalena uu ku dhawaacmay. Sidoo kale waxaa weerarkaasi ku dhaawacantay Haweeney qaad ku iibineysay halkaasi, sida ay xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Raggii ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in ay goobta isaga baxsadeen, kadib dhacdadaasi. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay, sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-goobjooge.mp3 The post Rag hubeysan Oo dil iyo dhaawac ka geystay Baar-Ubax appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites