Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirka Maayarada Dalalka Islaamka Oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabuuti ( Sh. M. Network )-Magaalada Jabuuti ayaa lagu soo gaba gabeeyey shirka 32-aad ee Maayaradda Casimadaha dalalka Islaamka, kaas oo looga hadlayey iskaashiga magaalooyinka iyo mashaariicda horumarineed ee bilicda caasimadaha sare loogu qaadayo.

Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow oo shirkaas ka qaybgalay ayaa xusay in ay ka dhaxleen wax badan oo khibrad wadaag ah iyo in sare loo qaado iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka.

Wasiirka Difaaca Mudane Cali Xasan Bahdon iyo Taliyaha Ciidanka Xooga Djibouti Sakariye Sheikh Ibrahim ayaan maanta xafiisyadooda ku booqday iyadoo ay ila socotay Maayeerada Djibouti Marwo Fatouma Awaleh Osman

Golaha Iskaashiga caasimadaha dalalka Islaamka ayaa xoghayaha guud ee ururka u doortay Faadumo  Cawaale Cismaan Maayarka caasimadda Jabuti oo shirkan martigalisay, taas oo ururka hogaamin doonta 2-da sano ee soo socota.

The post Shirka Maayarada Dalalka Islaamka Oo lagu soo gabagabeeyay Jabuuti appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this