Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidanka Kenya Oo Haweeney Somali ah ku toogtay Mandera

Recommended Posts

Deeq A.   

Mandera ( Sh. M. Network )-Ciidamada Booliska maamulka Mandera gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ayaa maanta toogtay Haweeney Soomaali ah oo ka mid aheyd dadka deegaanka Rhamo ee maamulkasi, xilli ay howlgallo roondo ah ka wdaaeen halkaasi.

Haweeneydani ayaa lagu Magacaabi jiray Cabdiya Cumar , Sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen ilo deegaanka ah.

Sidoo kale dadka deegaanka Rhamo ayaa  durbo bilaabay rabshado, kadib toogashadaasi, taas oo keentay in ay soo dhexgaalaan Saraakiisha sar sare ee Ciidamada Kenya, kuwaasi oo sheegay in ay ka xun yihiin dhacdadaasi.

Taliyaha Booliska Mandera oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in haatan xaaladdu at caadi ku soo laabatay, islamarkaana ay tallaabo ka qaadaayaan cid alaale iyo cidii lagu helo in ay dhibaato u gaysaneyso shacabka, sida uu hadalka u dhigay.

Inta badan Ciidamada Kenya ayaa lagu eedeeyaa in ay dhibaatooyin u geystaan dadka rayid ka ah, xilliyada ay sameynayaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab.

The post Ciidanka Kenya Oo Haweeney Somali ah ku toogtay Mandera appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this