Deeq A. Posted November 13, 2018 Baydhabo ( Sh. M. Network )-Wafdi uu hoggaaminayo ku xigeenka wakiilka QM ee arrimaha Soomaaliya Mr Rey Senenga ayaa maanta waxa ay gaareen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay ku simaha Madaxweynaha K/ Galbeed, ahna guddoomiyaha Baarlamaanka maamulkaasi C/qaadir Shariif Shukunaa Maye ayaa ku soo dhaweeyay gagida diyaaradaha magaaladaasi. Intaasi kadib wafdiga ka socda Qaramada Midoobay ayaa kulan gaar ah la qaatay ku simaha Madaxweynaha, waxa ayna ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka Koonfur Galbeed iyo sida ugu macquulsan oo ay ugu dhici karto doorasho xalaal ah waqtigii loogu tala galay. Sidoo kale ku xigeenka wakiilka QM ee Soomaaliya ayaa kulamo la qaatay xubno ka mid ah Murashaxiinta maamulkaasi. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay inaga xigto muddo 4 Cisho ah ayaa laga yaabaa in ay dib u dhacdo, sababo la xariira xubnihii guddiga doorashooyinka oo aan weli la dhameystirin, si ay u qaban qaabiyaan hanaanka doorashadaasi. The post Wafdi ka socda QM Oo gaaray magaalada Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites