Deeq A. Posted November 13, 2018 Balcad ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in saacadihii la soo dhaafay kooxo hubeysan ay Afduubteen dad shacab ahaa, kadib markii ay waddada u galeen Gaadiid ay la socdeen dadkaasi oo marayay duleedka degmada Balcad ee gobolkaasi. Gawaaridan oo lagu afduubtay inta u dhexeysa deegaanada Ceel-Geeolow iyo Gololey ayaa gaarayay illaa 5 Gaadiid ah, gaar ahaan kuwa Xamuulka Qaada, iyadoona dhac baahsan iyo Jirdil loo geystay rakaabkii sarnaa Gawaaridaasi. Ilo dadka deegaanka ah oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in Gaadiidkan ay ku wajahnaayeen gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in markii dambe la sii daayay Gaadiidkaasi iyo dadkii la socday oo la sheegay in laga furtay agabkii ay wateen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Muddooyinkii dambe waxaa sii xumaanayay ammaanka waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe. The post Kooxo hubeysan Oo dhac ka geystay duleedka Balcad appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites