Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare ku xigeenka dalka Oo shir ka daahfuray Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul wasaare ku xigeenka XFS Mudane Mahadi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta si rasmi ah u daahfuray shirka Madasha Siyaasadda Dhaqaalaha Qaranka.

Shirkan oo ah mid muhiim ah ayaa waxaa ka qeyb galaya Golaha Dhaqaalaha Qaranka, Ururada Bulshada rayidka ah iyo xubno ka socda Beesha Caalamka.

Muddada oo uu socdo shirkani ayaa waxaa diirada lagu saari doonaa arrimaha Dhaqaalaha Soomaaliya iyo sidii loo kobcin lahaa.

R/wasaare ku xigeenka dalka oo furitaankii shirka ka hadlay ayaa sheegay in uu rajo wanaagsan ka qabo in waxyaabo muhiim ah ay ka soo bixi doonaan kulankani.

“Waxaanan madasha wadatashiga ee Golaha Dhaqaalaha Qaranka u rajaynayaa guul iyo horumar iyo in ay xalaal miro dhal ahi ka soo baxaan oo dhaqaalaha wax looga qabto” ayuu yiri Mahdi Maxamed Guuleed Khadar.

Golaha Dhaqaalaha Qaranka oo dadaal ugu jira siidii loo horumarin lahaa Dhaqaalaha dalka ayaa Axadii la soo dhaafay Golaha Wasiirada Xukuumadda u bandhigay cilmi baaris ay ka sameeyeen hannaanka horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya

The post R/wasaare ku xigeenka dalka Oo shir ka daahfuray Muqdisho appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this