Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dhibaatada ka weyn Al Shabaab ee na heysata waa Golaha Iskaashiga oo Ajnabi u adeegaya”

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Maamulka Galmudug Garabka magaalada Cadaado lagu doortay ayaa eedeyn kulul u jeediyay Golaha iskaashiga maamul Goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya.

Madaxweynaha Galmudug ee lagu doortay Cadaado kadib Khilaaf yimid Axmed Maxamuud Baasto, ayaa sheegay in Golaha Iskaashiga dowlad Goboleedyada ay la mid yihiin Al Shabaab oo caqabad ay ku yihiin horumarka Soomaaliya.

Axmed Baasto, wuxuu sidoo kale sheegay in Al Shabaab iyo Golaha Iskaashiga ay yihiin caqabada kaliya ee hortaagan Soomaaliya, sida uu sheegayna loo baahan yahay in labadaasi laga guuleysto.

“Soomaaliya waxaa caqabad ku ah Al-Shabaab,waxaa caqabad ku haaya Golaha sharta ah ee Golaha Iskaashiga diidayana Nasiino shacabka Soomaaliyeed helaan oo mar walba boobaya,runtii waxaan leenahay dhibaato ka weyn majirto Golahaas marka laga reebo Al-Shabaab”ayuu yiri Axmed Baasto.

Dilalkii ugu dambeeyay ee ka dhacay Mudug iyo Galgaduud ayuu sheegay inay ka dambeeyaan golaha Iskaashiga oo Madaxweyne Gaas uu hogaaminayo, waxaana uu sheegay inaysan dooneyn xasiloonida Shacabka.

Gaba gabadii waxa uu soo hadal qaaday shirkii Garoowe ugu qabsoomay iyo Go’aankii ay ku gaaren inay Ciidamo gaar ah sameystaan,waxana uu sheegay in ciidamaas ay ku baaqeen ay durba bilaabeen dhibaatooyin Cusub sida uu hadalka u dhigay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this