Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Banaabax Rabshado wata oo ka dhacay magaalada Gaalkacyo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka dhaceen banaanbaxyo rabshado wata oo ay dhigayaan dadka deegaanka.

Haween badan iyo dhalinyaro ayaa ka qeyb galay banaanbaxa, waxaana la sheegayaa inay kasoo horjeedaan dil maxkamad ku taala Puntland ay ku xukuntay C/risaaq Xuseen Tahliil oo horey ciidamada Puntland ay kala baxeen guriga uu ka degenaa Gaalkacyo.

Dadka banaanbaxa dhigayay ayaa saacado kooban xiray isku socodka gaadiidka ee magaalada Gaalkacyo, iyaga oo ku dhawaaqayay inay kasoo horjeedaan xukunka Maxkamadda.

C/risaaq Tahliil, ayaa sida wararka aan ku heleyno wuxuu kasoo jeedaa dhinaca Koofureed ee magaalada Gaalkacyo, waana sababta banaanbaxa dadka deegaanka ay u dhigayaan.

Taayarada gaadiidka ayay gubayeen, waxayna muujinayeen sida ay kaga soo horjeedaan xukunka maxkamadda.

46047379_1987778624611947_67626922482797 46047379_1987778624611947_67626922482797 46108128_1987779937945149_82434576217265 46130688_1987778891278587_20043933937397

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this