Deeq A. Posted November 13, 2018 Jilib ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Dhexe ayaa ku warramaya in xalay Al Shabaab sarkaal Ajnabi ahaa ay ku dileen gudaha degmada Jilib ee gobolkaasi. Sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Abuu Anas Al Misri ayaa uu dhashay wadanka Masar, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo. Dilka sarkaalkani ayaa yimid, kadib markii Al Shabaab ay weerar ku qaadeen Masjid uu ku sugnaa oo ku yaalla gudaha degmadaasi. Waxaana la sheegay in sarkaalka Ajnabiga ee la dilay uu diiday in isku soo dhiibo Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Al Shabaab ay xabsiga dhigeen Rag Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira, kuwaas oo looga shakiyay in ay xariir la leeyihiin Kooxda Daacsh. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona degmada Jilib ay ka taagan tahay xiisad ka dhex aloolsan xubno sare oo ka wada tirsan Al Shabaab. The post Sarkaal Ajnabi ahaa Oo lagu dilay degmada Jilib appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites