Sign in to follow this  
Deeq A.

Cadho Ka Dhalatay Wiil Madow Ah Oo Booliska Maraykanku Toogasho Ku Dileen.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington) Waardiye hubaysan oo ilaalinayay baar ku yaalla Chicago ayay booliisku dileen isaga oo qabtay nin hubaysan oo laga shakiyay, sida ay sheegeen saraakiil iyo dad goobjoogeyaal ahi.

F8B9E291-E70B-4987-A42A-946A0E92A613.jpe

Markii ay dhawaq rasaastu yeedhay  Axaddii saacadu ahayd 04:00 xiliga deegaankaas ayuu Jemel Roberson oo 26 jir ah eryaday ninka weerarka soo qaaday jilbaha ayuuna dhulka ku hayay tan iyo intii ay booliisku ka imaanayeen.

Sidaadii ay booliisku u soo gaadheen goobtii uu dhibku ka dhacay mid ka mida ah askartii ayaa toogtay Roberson oo madaw ah sidaasna ku dilay.

Saaxiibbadii waxay sheegeen in Roberson uu ahaa muusikiiste uuna ku hamiyaay  in uu booliiska ku biiro.

“Dadkii uu rabay in uu ka mid noqdo ayaa qudha ka jaray,” ayuu yidhi Patricia Hill oo baadari ka ah kiniisadda Purposed Hill oo Chicago ku taalla oo la hadlay warbaahinta told WGN-TV.

Roberson ayaa muusiga u garaaci jiray kiniisado dhawr ah oo deegaankaas ka dhaw.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this