Sign in to follow this  
Deeq A.

DAAWO: Dib U Xasuuso Dhaliishi Muuse Biixi Madaxweyne Cigaal Ugu Jeedin Jiray Inuu Isku Xeeray Dad Qabiilkiisa Wada Ah.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargaysa)Waxaan halkan akhristayaasha ugu soo gudbinayaa Mid ka mid ah hadalladii ugu adkaa ee uu wakhti hore Muuse Biixi Cabdi ku naqdiyey Madaxweynihii hore ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal (IHU) oo uu wakhtigaasi ku dhaliilsanaa sida Madaxweyne Cigaal xilalka ugu miisaamka weyn ee xukuumaddiisa ugu taxay beesha uu ka soo jeeday oo ay ka mid ahaayeen Wasiirkii Arrimaha Gudaha, Taliyihii Ciidanka Qaranka, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Xeer Ilaaliyihii Guud, iyada oo wakhtigaasna uu Muuse Biixi mucaarid ku ahaa dawladii Marxuun Cigaal.

Akhriste bal waxa aad isla akhridaa hannaanka uu Madaxweyne Muuse Biixi oo wakhtigaa ahaa nin Mucaarad ahi ku dhaliilayay Madaxweyne Maxamed

Xaaji Ibraahim Cigaal iyo qaabka ay u taallo shaxdiisa wakhtigan ee Golaha Xukuumaddiisu.
Laba wakhti keebuu Muuse Biixi saxsanaa ama qaldanaa. Waa isla laba dhacdo oo uu midna diidayo midna maanta ku dhaqmay taasi oo wakhtigan dhalinaysa doodda ugu badan ee Bulshada ee la xidhiidha saami qaybsiga iyo dareenka ka dhashay, iyada oo ay ugu dambaysay qaabkii Xulasho ee Madaxweyne Muuse Biixi ku tallaabsaday dorraad oo Sabti ahayd.

Muuse Biixi Cabdi oo saxaafadda kula hadlayay Magaalada Hargeysa maalmihii Madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal khilaafka culusi soo kala dhex galay golihii salaadiinta Somaliland ayaa waxa hadalladii Muuse Biixi ee aadka u kululaa ka mid ahaa kuwan:

“Madaxweyne Cigaal Mid baan leeyahay. Mudane Madaxweyne maanta ma 80 jir baad tahay?, ma 40 sano ayay Somaliland talo ku mooday. Ma 9 sano ayaad Somaliland hor fadhiday?, ma maantaad dhufeys gurigaagii ka qodatay?. Ma maantaad taangiyo u dalbatay Salaadiintii adiga ku dooratay. Ma maanta ayaad awooddii qaranka ku soo ururisay in aad isku Suldaan tihiin?. Wasaaraddii Daakhiliga, Maxkamaddii Sare, Xeer Ilaaliyihii, Taliye Ciidan. Ma maantaad awooddii ku soo ururisay in Suldaan idin wada xukumo. Maanta 80 sano oo siyaasaddaadii ahi haddii ay halkaa ku soo ururtay waxaan kugula talinayaa wixii hore laguu yidhi anoo og in aanad aqbalayn. Maanta waxa ay danta Somaliland ku jirtaa oo aad Somaliland wax ugu taraysaa adiga oo ka baxa tartanka siyaasadeed. Waxaad wax ugu taraysaa adoo halka fadhiista mooyi in aad qaadan doonto, waayo Alle kuma tuso talada toosan inta badan balse waxa aynu eegi doonaa halka ay ku damayso”. Ayuu maalintaasi yidhi Muuse Biixi Cabdi oo maanta Madaxweynaha qaranka ahi.

 

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this