Sign in to follow this  
Deeq A.

“Xildhibaano Shabaab ah ayaa ku jira baarlamanka Somalia” Waxaa shaaciyey…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasi Salaad Cali Jeelle, ayaa shaaciyay waxyaabaha sababta u ah amni darada magaalada Muqdisho iyo sababaha keenay in wali aan laga guuleysan Al-Shabaab.

Salaad Cali Jeele oo ugu horeyn la weydiiyay waxyaabaha hortaagan in laga guuleysto Al-Shabaab ayaa sheegay inay ugu horeyso inaan lala dagaalamin Al Shabaab, islamarkaana haddii lala dagaalamo lasoo gabogabeynayo Al-Shabaab.

Afar Arin ayuu sheegay inay muhiim u tahay la dagaalanka Al-Shabaab, waxaana tan koowaad uu ku tilmaamay in shacabka deegaanada ay maamulaan loo kaashado dagaalka ka dhanka ah Al SHabaab.

Tan labaad ayuu ku sheegay inay tahay in ciidamada AMISOM ee jooga Soomaaliya si dhab ah ula dagaalamaan Al Shabaab, islamarkaana aysan ku sugnaanin magaalooyinka qaar ee dalka.

Tan Seddexaad ayuu ku sheegay in ciidamada xooga dalka loo adeegsado dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab tan ugu dambeysana ay tahay in dhaqaalo xoogan loo adeegsado dagaalka, sidaasina looga guuleysan karo Al-Shabaab.

Arinta Cajiibka ah ee uu ka dhawaajiyay Salaad Cali Jeelle ayaa aheyd in Al-SHabaab ay xubno ku leeyihiin baarlamaanka, “Ergada Xildhibaanada soo dooranayo qaar ayaa Al Shabaab ay dilaan, qaarna lama dilo, kuwa la dilayo waxay diideen xubnaha Al Shabaab la doonayaan baarlamaanka, kuwa ay dhaafayaana waxay doorteen xubnaha ay rabaan Al-Shabaab, taas macnaheedu waa in Xubno ay baarlamaanka ku leeyihiin”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle.

“Waxay wax ugu yeelanayaan Argagixisada Qabiilkaada ayaa ku jiro, waxaa jiro ergo yar oo ka baqa Al Shabaab, wey soo wacayaan waxay leeyihiin haddaad hebel doorataan adigaa is dilay, waana taasi tan sababeysa in la dilo ergada”ayuu yiri hadalkiisa raaciyay Salaad Cali Jeelle.

Arinta kale ee uu sheegay Salaad ayaa ah in baarlamaanka ay inta badan ka weecdaan sharciga Argagixisada iyo sharciyada kale ee amniga, taasina ay cadeyn kale tahay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this