Sign in to follow this  
Deeq A.

Amaro Al Shabaab ay soo saareen oo ka dhaqan galay Degmo DF maamusho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Ururka Al Shabaab oo dagaal kula jiro Dowladda Soomaaliya ayaa wali saameyn ku leh deegaanada ay maamusho dowladda Federaalka, iyadoo ay ugu wacan tahay amaanka la’aanta Shacabka.

Al Shabaab ayaa inta badan xiray salaxyadii kubadda lagu ciyaari jiray ee ku yaalay magaalada Muqdisho, waxaana furan salaxyo kooban oo canshuur ay ka qaadaan, sida aan xogaha ku heleyno.

Salaxyada la xiray lagu amray inay bixiyaan canshuur laga qaadayo ciyaar walbaa oo Saacadii lagu ciyaarayo, iyadoo taasi ay ku adkaatay meelaha qaar oo Albaabada la iskuugu laabay.

Al Shabaab ayaa amaro kale oo ay soo saareen waxay ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne, sida xogta aan ku heleyno, waxaana ay ka dambeysay arinta ka dib markii milkiilayaasha looga yeeray saldhigyada Al Shabaab.

Waxaa lagu amray dhalinyarada inaysan xiran karin buumo ka koreysa Jilbaha, iyadoo loo ogolaaday inay qaataan Buumo ka hooseyso Jilbaha.

Waxaa sidoo kale lagu amray dhalinyarada inaysan iska siibi karin funaanada marka ay gool iska dhaliyaan, waana nooc kamid ah xifaaltanka dhalinyarada, iyadoo la sheegay in dhamaan amaradaasi ka dhaqan galeen magaalada Beledweyne.

Haddii aysan fulin amarada Al Shabaab waxay la kulmaan dil qorsheysan, maadaama aysan heysan amni ku fulan oo ay ku diidi karaan amarada Al SHabaab.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this