Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal ka dhex qarxay Al-shabaab iyo sarkaal sare oo ku dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya degmada Jilib ee gobolka Jubada dhexe ayaa sheegaya in halkaasi uu dagaal ku dhex maray malayshiyaad ka wada tirsan Al-shabaab.

Koox hubaysan oo ka tirsan Al-shabaab ayaa la sheegay in ay weerar ku qaadday masaajid ku yaalla degmada Jilib oo ay ku sugnaayeen xubno kale oo isla ururka kamid ah,balse looga shakiyay in ay xiriir hoose la leeyihiin Daacish.

Xubnaha masaajidka lagu weeraray ayaa waxaa kamid ahaa sarkaal sare oo ajnabi ah,kaasoo ka amar diiday Al-shabaab,islamarkaana looga shakiyay in uu xiriir la leeyahay malayshiyaadka kale ee Daacish.

Sarkaalka oo magaciisa lagu sheegay Abu Anas Al-Misri,una dhashay waddanka Masar ayaa masaajidka lagu dhex dilay kadib markii uu dagaallamay,sida laga soo xigtay dadka degaanka.

Sidoo kale waxaa la sheegayaa in masaajidka lagu dhex qabtay xubno kale oo Al-shabaab ka tirsanaa,hase yeeshee ay Daacish uga shakiyeen.

PUNTLAND POST

The post Dagaal ka dhex qarxay Al-shabaab iyo sarkaal sare oo ku dhintay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this