Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhalinyaro koox koox u wada socda oo habaynkii Hargeysa wareeriya iyo xukumadda oo awaamiir soo saartay

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxa in mudo ahba isi soo taraayay dhalinyaro dhib xoogan ku haya caasimada Hargeisa, kuwaasi oo suuqyada iyo xaafadaha magaalada dadka ku baadha, siiba aad u ilaashada dumarka oo ay ka furtaan wixii ay dahab gashanyihiin Isla markaana ka qaada mobilada iyo boorsooyinka ay sitaan.

Hadaba waxa habaynkii xalay ahayd ay dhalinyaro abaabulani ay boob xoogan u gaysteen meherado ku yaala galbeedka caasimada gaar ahaan Xaafada Jigjigayar.

Dhanka kale xukumadda ayaa mamnuucday goobaha habaynkii lagu caweeyo, iyada oo laga duulaayo sidii amniga habaynkii loo sugi lahaa waxana ay xukumaddu sheegtay in 11:50 habaynimo wax meherado ah oo lagu caweeyaa ayna furnaan karin.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this