Deeq A. Posted November 12, 2018 Guddoomiyaha degmada Balanbal Xuseen Liibaan ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid wanaagsan. Waxaa uu sheegay in tirada dhimashada dagaal beeleedka ay marayso afar qof halka lix kalena ay dhaawacmeen. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in dhimashada ay ka badan tahay toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay. Malleeshiyaadka ayaa waxaa kala dhex galay odayaal labada beel iyo maamulka degmada. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GUDDOOMIYAHA-BALANBAL-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites