Sign in to follow this  
Deeq A.

Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo kulan yeeshay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta oo Isniin ah shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada maamulkaan.

Shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa diiradda lagu saarey arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedkan, amniga iyo sidoo kale amar la dul-dhigay xubno ka tirsan xukuumada maamul goboleedkan.

Maye ayaa faray dhamaan Wasiiradda inay kusoo gudbiyaan Hantida ay hayaan qaab qoraal ahaan si aysan udhicin ku tagri fal awoodeed, maadaama xaalad kala guur ah uu dowlad goboleedkan dhexda uga jiro.

Doorashada Koonfur Galbeed oo ay murashaxiin dhowr ah utaagan yihiin waxaa loo mudeeyay inay qabsoonto 17-ka bishaan November 2018, xili caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo laga dareemayo qaban-qaabo wayn.

The post Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo kulan yeeshay appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this