Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiiro ka tirsan XF Soomaaliya oo hortegay Gollaha Shacabka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Wasiirada Maaliyada, Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, iyo Duulista Hawada, Maxamed Salaad Oomaar ayaa Isniinta maanta ah waxay hortageen xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaliya.

Bayle ayaa mudanayaasha Aqalka Hoose wuxuu fahfaahin uu ka siiyay ku noqashada Miisaaniyadda dowlada ee 2018, taasi oo ay dood adag ay ka yeesheen, kahor inta aan fadhi kale loo balamin oo Arbacada ah.

Intaasi kadib, Oomaar ayaa sharci-dejiyaasha uga warbixiyay xeerka Hay’adda Duulista Rayidka iyo Saadaasha Hawada, kaasi oo loo mariyay akhrinta koowaad, kahor inta aysan ugudbin heerarka kale.

Waa fadhigii 24aad oo ka tirsan Kal-fadhigii afaraad kulankaan ay isugu yimaadeen Xilldhibaanada Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kaasi oo ay xaadirtay 148 mudane, xili ay tiro kalena maqneed.

Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah

http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad.mp3

The post Wasiiro ka tirsan XF Soomaaliya oo hortegay Gollaha Shacabka appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this