Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Dalkaasi Soomaliya Oo Ka Hadashay Dab Ka Kacay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho) Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Dalkaasi Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi  Salaad Oomaar ayaa ka hadlay dab saakay ka kacay qeyb ka mid ah Terminalka weyn ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

1145422B-A021-4196-B856-A05D55B86DF3.jpe

Dabka ayaa saacado hakiyay howlihii duulimaadka garoonka, iyadoo dabka oo sababay cilad koronto uu ka kacay maqaayadda qeybta Duulimaadyada Caalamiga ee Terminalka Garoonka.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in aysan jirin cid wax ku noqotay dabkaas, marka laga reebo inuu dabku baabi’iyay qeybta Maqaayadda.

“Maanta subaxii saacaduna aheyd 05:30 ayaa koronto sababtay qaac inuu galo gudaha dhismaha garoonka Muqdisho. Haba yaraatee wax gaaray garoonka, qalabka iyo naf ma jiraan marka laga reebo jiko yar oo ay korantada wax gaarsiisay” ayuu yidhi Wasiirka Gaadiidka cirka iyo duulista Maxamed C/llaahi Salaad Oomaar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in shaqaddii Garoonka ay socoto, isla markaana aysan wax saameyn ah ku yeelan Shaqadii duulimaadyadda ee Garoonka Aadan Cadde.

“Garoonka waxuu u shaqaynayaa si caadi ah Duulimaadyaduna si habsami leh ayey u socdaan” ayuu yidhi Wasiir Omaar.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa saaka muddo kooban howlihii duulimaad hakad galeen, kaddib markii dab ka kacay qeybta kushiinka maqaayadda garoonka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this