Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab maanta degmada Waaberi ka sameeyey fal cajiib oo ka dhan ah Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyey arrin cajiib ah kadib markii ayaga oo isku duuban ka adkaadaan nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab.

Ninkan ayaa ka mid ahaa laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa kuwaas oo maanta degmada ka geystay dil qorsheysnaa.

Ninka kooxdaani ay dileen ayaa magaciisa lagu soo koobay in uu ahaa Deeq waxa uuna ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Waaberi ee lagu dhex dilay.

Mid kamid ah kooxda dilka geystay ayaa waxaa kadib gacanta ku dhigay dadka deegaanka oo arkayay markii ay rasaasta ku furayeen sarkaalka geeriyooday, waxa ayna ku wareejiyeen Ciidamada amaanka Degmadaasi.

Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan ninka kale ee baxsaday iyagoo su’aallo weydiinaya ninka ay haayaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this