Deeq A. Posted November 12, 2018 MA RUNBAA WAXYAABO LAGU HESHIIYEY LAAKIIN AAN LA SHAACIN Waxaa la sheegayaa heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo Farmaajo kaa soo aan la shaacin lagana soo derin war murtiyeedka ay sedexda nin soo saareen dhamaadkii shirkooda. Waxaa la sheegayaa in lagu heshiiyay: In 1500 Askari oo Eratariyaan ah la keeno Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada In 5000 oo Askari Itoobiyaan ah la geeyo Baraawe iyo Marka In 3000 oo ciidamo Itoobiyaan ah Ka soo galaan dhanka Galgudiud. Ciidamadaas waxay ka soo geli doonaa dhinaca Guriceel Iyo Caabudwaaq, waxayna isku furi doonaa Gobolka Mudug iyo Hiiraan. In ciidan Itoobiyaan ah lageeyo Gobolka Sool ee dhanka Somaliland IyoPuntland. In Ciidamo Itoobiyaan ah oo dheeri ah la geeyo Baidhaba. In 1000 Askari oo Eratariyaan ah la geeyo Baydhabo si ay iskugu furaan Baydhabo ilaa Muqdisho, dhinaca waxay u gogol xaarayaan 5000 ee Itoobiyaan ah oo Gedo kasoo geli doona iyaga Jubada dhexe ku wajahan. In Itoobiyaanka lagu wareejiyo dekadaha Kismaayo, Marka, Baraawe, iyo Hobyo In Eratariya lagu daro Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika si shaqo loogu helo askartii dagaalka Itoobiya ku wajahnayd. HADDII ARRINTAASU DHAB NOQOTO, SOW XAALADDU UMA MUUQATO IN DAL DHAN IYO UMMAD DHAN GACANTA LOO GESHO CADOWGEEDII TAARIIKHIGA AHAA SI MARKAAS AWOODDA CADOWGA LOOGU DHISO BOQORTOOYO XUKUN QABIIL HUWAN DHAR AARGOOSI OO KEENIKARTA DAGAALLO KA HOLCA GEESKA AFRIKA. Ibrahim Mohamed ibrahim_hg@yahoo.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani waa aragtida akhristayaasha Sent from my iPad Qaran News Share this post Link to post Share on other sites