Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacab qabtay Rag dil ka geystay degmada Waaberi

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil ay dabley hubeysan ka geysteen xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir.

Dilka ayaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka degmadda, kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Deeq.

Goobjoogayaal ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in mid kamid ah ragii falka fuliyay ay qabteen dad Rayid ahaa, oo Saldhiga degmada geeyay.

Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Xilldhibaan Cabdiqaadir Carabow, oo Saldhiga tegay ayaa shacabka ku bogaadiyay talaabada ay qaadeen.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada ayaa tilmaamay in Hay’adda amniga ay ku raad-jooga ruuxa kale ee falkaan ku lug-lahaa.

Mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay, inkasta oo hay’addaha nabad-gelyadda ay wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo.

The post Shacab qabtay Rag dil ka geystay degmada Waaberi appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this