Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in haweenku qoondo fiican ka helaan Baarlaamnka

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo talaadada maanta ah ka qayb galay kulan lagu taageerayey haweenka ayaa ku baaqay in la  hirgeliyo qoondada haweenka 30% ee xulista golaha wakiilada Puntland ee 2019.

Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha munaasibaddaasi ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, odoyaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne  Gaas ayaa madasha ka jeediyey hadal ku aaddan ka qeyb gelinta haweenka baarlamaanka soo socda iyo in ay saami muuqda ku yeeshaan siyaasadda dalka,waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta bulshada.

runtii arinta maanta meesha looga hadlayo arin muhiim ah weeye oo mudan in si dhab ah looga doodo sababtuna waxay tahay waxa laga hadlayaa wax cid laga baryayo maahan waa xuquuq haweenku leeyihiin, waxaa lagu soo celceliyey nabadoonoow waxa lagaa rabo lacag jeebkaaga ku jirta ma’ahan waa xuquuq dumarku leeyihiin, waa xuquuq maqan, waxaan rabnaa marka in sidaas loo fahmo, haddii marka nabadoonoow la idin xurmeeyey micnaheedu maahan in aan la idinla xisaabtami karin, dumarku waa laf dhabarta bulshada waana dhab ee ma ahan hadal la iska yiri, haweenku suuqay idinka soo shaqeeyan cunaday idiin kariyaan waxaa la rabaa marka, maanta maxay u istaahilaan xilka?” ayuu yiri Gaas.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “arkii Soomaaliya burburtay 1991 oo la qaxay oo la iskugu yimid geedaha hoostooda oo dhibaatadu dhacday markii kii ladnaa iyo baahanihii meel iskugu yimaadeen, yaa isku hayey bulshada?, yaa suuqa fadhiyey oo yaanyada iibinayey?, yaa ilmaha masruufayey?, shalay markii dhibtaas looga soo gudbay ma waxaan ugu abaal gudnay fariista oo waxba ma tihiin?!, sax ma ahan taasi, dhibtay idinla qayb sadeen waxay ahaayeen kuwii idin dhiirigalinayey oo idiin mashxaradayey markaa guulaysanayseen”.

Dhinaca kale madaxweynaha  ayaa isimada Puntland ka codsaday  in ay haweenka il gaara ku eegaan tixgaliyaanna, qoondadooda siyaasadeed,islamarkaana baaq ujeediyey odoyaasha iyo dhammaan cid walba oo ay ka go’odo danta bulshada Puntland, Sidoo kalena tilmaamay in ay qiimeeyaan qoondada haweenka Puntland ee 30% ee soo xulista baarlamaanka Puntland 2019.

m1.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m2.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m3.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m4.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m5.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m6.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m7.jpg?resize=960%2C640&ssl=1 m8.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in haweenku qoondo fiican ka helaan Baarlaamnka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this