Sign in to follow this  
Deeq A.

K/galbeed: Ammar La Siiyey Wasiirada

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen golaha wasiirada ee maamulka K/galbeed.

Kulankaan waxaa shir guddoominayey sii hayaha xilka madaxweynaha ee maamulkaasi ahna guddoomiyaha baarlamaanka K/galbeed C/qaadir Shariif Sheekhunaa.

Ugu horreyn waxaa looga hadlay sidii loo sii wadi lahaa howlaha shaqo ee maamulkaasi maadaama dhowaan uu is casilay madaxweynihii K/galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Waxaa sidoo kale la isku soo qaaday sidii loo xafidi lahaa hantida ay hayaan wasiirada maadaama lagu jiro marxalad kala guur ah.

Mudane C/qaadir Shariif ayaa ka dalbaday wasiirada iney u keenaan iyadoo qoraal ahaan ah dhammaan hantida ay wasaarad walbo hayso.

Dhanka kale, magaalada Baydhabo waxaa ka dhacay kulan sidoo kale looga hadlayey ammaanka mudada loo diyaar garoobayo.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this