Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska AMISOM Oo dalbaday Ciidamo dheeraad ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Sh. M. Network )-Howlgalka nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM ayaa ka codsaday dowladda Ghana Ciidamo dheeraad oo Booliska ah in ay u soo diraan dalka Soomaaliya, si ay ugu qeyb qaataan dadaalada lagu nabdaynayo Soomaaliya.

Ku simaha taliyaha Booliska AMISOM Mrs.Christine Alalo oo Muqdisho kula hadashay 13 Saxafi oo ka soo kala jeeda dalalka Nigeria iyo Ghana oo casuumad ay u fidisay AMISOM ku yimid Soomaaliya ayey kaga dalbatay dowladda Ghana in ay AMISOM ugu deeqdo cutubtyo Booliis ah, kuwaasi oo qeyb ka noqon doona Booliska AMISOM.

Taliyaha ayaa intaasi ku dartay in Ciidamadaasi ay dowr muhiim ah ka ciyaari doonaan nabadaynta deegaanada lagala wareego Xarakada Al Shabaab, islamarkaana ay ka qeyb qaadan doonaan xaqiijinta ammaanka deegaanadaasi, sida ay hadalka u dhigtay.

Dalka Ghana ayaa waxa haatan ka jooga Soomaaliya 37 saraakiil Boolis ah, kuwaasi oo AMISOM u qaabilsan dhanka tababarada ee Ciidamada dowladda ferederaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedyada dalka.

Hadalkan ka soo baxay AMISOM ayaaa imaanaya, xilli in ka badan 22 kun oo Askari oo ka tirsan howlgalka Midowga Africa ay joogaan Soomaaliya, kuwaas oo dagaal kula jira Al Shabaab.

The post Taliska AMISOM Oo dalbaday Ciidamo dheeraad ah appeared first on Shabelle.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this