Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo codsi iyo digniin u diray Ra’iisul wasaare Kheyre

Recommended Posts

Deeq A.   
dd11.jpg?resize=600%2C400&ssl=1Cabdisalaan Xasan Xirsi (Gujir), Guddoomiyaha gobolka Nugaal, sawir hore

Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa  codsi iyo digniin u diray dowladda federaalka Soomaaliya.

Guddoomiye Gu’jir ayaa  ka codsay Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre in uu fuliyo balan-qaad uu horey u sameeyay oo ahaa  in Xukuumadiisu ay ka qeyb qaadanayso dhismaha garoonka kubadda cagta ee caasimada Puntland oo isku tashi lagu dhisayo.

“Ra’iisul wasaare Kheyre markii uu yimi Garowe 1-da Agoosto  2018 wuxuu balan-qaad u sameeyay bahda isboortiga  gaar ahaan garoonka Mirre Awaare, oo uu yiri  waxaan idin dhigayaa Roog, ilaa hadda balan-qaadkaas wax ka fulay ma jiraan, Ra’iisul wasaaraha waxaan ka codsanaynaa balan-qaadkii uu shacabka reer Nugaaleed gaar ahaan bahda isboortiga u balan-qaaday in uu ka dhabeeyo” ayuu yiri Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cabdisalaan Xassan Xirsi (Gu’jir).

Garoomadda kubadda cagta Puntland waxaa ka jira dayac aad u baahsan oo ay dhibaato ku qabaan bahda ciyaaraha, mana jiraan wax ay ka qabteen xukuumadihii soo maray Puntland, (halkan ka akhriso qoraal ay horey uga qortay PUNTLAND POST).

Balan-qaadkiis Ra’iisul waasaare Kheyre ee garoonka Mirre Awaare Garowe

Dhanka kale Guddoomiye Gu’jir ayaa dowladda Federaalka u jeediyay in ay ka waan-towdo dad uu sheegay in siyaasad khaldan loogu soo diro gobolka Nugaal, kuwaas oo uu sheegay in ay iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka.

“Waxaa dowladda Federaalka, khaasatan Ra’iisul wasaare Kheyre u soo jeedinayaa, dadka ay arrimaha siyaasada u soo dirsanayaan oo gobolka Nugaal ka socda in ay ka waan-toobaan in dadkaas in khaldan iyo siyaasad khaldan loo soo dirsado, ayna iska horkeenaan shacabka iyo dowladda Federaalka, wax walba nidaam iyo waddo loo soo maro ayay leeyihiin, waa in loo soo maraa, Wasiirada iyo Xildhibaanada la soo dirayo iyo dadkan isku xirnaasho shaqo maleh” sidaas waxaa yiri Guddoomiye Gu’jir.

https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/46008235_189027001978573_3790487.mp3

Tan iyo markii dowlad goboleedyadu hakiyeen xiriirkii wada shaqeyneed ee dowladda Federaalka shirkii Kismaayo waxaa marba marka ka dambeysa sii xumaanayay wada shaqeynta labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Guddoomiyaha gobolka Nugaal oo codsi iyo digniin u diray Ra’iisul wasaare Kheyre appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this