Deeq A. Posted November 12, 2018 Garbahaarey ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa lagu soo warramayaa in uu ka baaqday booqasho uu maanta ku tagi lahaa degmada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa la xaqiijiyay in gabi ahaan uu baajiyay socdaalkaasi, kadib dibadbaxyo looga soo horjeeday oo shalay ka dhacay magaaladaasi. Dhinaca kale Faarax Nuur Turbac oo ah taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka ee ka howlgala gobolka Gedo, una warramay Shabelle ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland aysan tagi karin degmooyinka Garbahaarey iyo Baardheere ee gobolkaasi. Taliyaha ayaa tilmaamay in Jubbaland aysan waxba u qaban shacabka ku dhaqan guud ahaan gobolka Gedo ee koonfurta Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-gedo.mp3 The post Axmed Madoobe Oo ka baaqday booqashadii Gedo appeared first on Shabelle. View the full article Share this post Link to post Share on other sites