Sign in to follow this  
Deeq A.

Fadeexada Dul Hogonaysa Wadada Hargeysa -Kalabaydh

Recommended Posts

Deeq A.   

Fadeexada ka taagan Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargeisa Iyo Kala-Baydh
*****************************************
Dhawaan ayuun bay ahayd markii guddida qandaraasyada qaranku ay iclaamisay in tartan loo galo mashruuca dhismaha waddada isku xidha Hargeisa-Kalabaydh oo dhererkeedu dhan yahay 60km, mashquucaas oo ay ku baxayso lacag gaadhaysa 4 million oo dollar ah oo ay bixinayso Hay’ada Jarmalka ah ee GIZ waxa tartankaas soo xareystay shirkado 11 kor u dhaafaya oo iskugu jira kuwa maxalli ah iyo kuwo caalami ah oo ka socda waddamada jaarka qaarkood, waxa ugu danbayntii liiska xulashada dhaw la iskugu soo reebay 4 shirkadood oo ay kamid yihiin shirkad ku diiwaan gashan qalabkii Dawlada hoose ee Magaalada Hargeisa iyo Shirkada Somaliland Hono Group ee loo yaqaan Cumaani-ga

Shirkada ku diiwaan gashan magaca Dawlada Hoose ee Hargeisa Maxay damacsantahay?
**********************************************
Qalabka ay leedahay dawlada hoose ee magaalada hargeisa waxa laga soo iibiyay dalka Ethiopia waxaana lacagta lagu soo iibiyay ay tahay hantidii shacabka masaakiinta ah ee reer Somaliland gaar ahaan Hargeisa, qalabkan oo ku rakiban goob ku taala duleedka galbeed ee magaalada hargeisa una dhaw deegaanka ABAAARSO ayaa tan iyo intii la keenayba waxa si sharciga baalmarsan ugu tagri fala maayarka Caasimada oo badanaa ku qabta shaqooyin ka baxsan kuwii wadooyinka ee ay ahayd looguna talo galay isagoo ku dhisa kaalmaha iyo goobaha shirkadaha gaarka loo leeyahay ee wadddada hareera-heeda ku yaala iyadoo dakhliga kaso baxana ay toos ugu dhacdo jeebka maayirka caasimada SOLTECO
doorkan ayaa hadaba qalabkii ay lahayd dawlda hoose ee hargeisa ee ay ahayd in lagu dhiso wadooyinka cadilan ee magaalada Hargeisa waxa si qayru sharci ah qandaraaska dhismaha jidka isku xidha Magaalooyinka Hargeisa iyo Kala-baydh kaga qayb galiya nin lagu magacaabo AXMED BAASHE oo kasoo jeeda Jufada hoose ee beesha Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi yahay ee Reer Samatar waxaana si qarsoodi ah qalabkii dawlada hoose ee Hargeisa ee laga iibiyay cashuurta dadka danyarta ah ee reer hargeisa ugu tagri falaya Axmed baashe oo ay saxiib dhaw yihiin Maayar SOLTECO kuna diiwan gashaday magaca ah ENGINEERING AND MANAGEMENT CO waxaana sidoo kale ku wehelinaya hawshaa xubin isna ka tirsan golaha deegaanka ee Caasimada oo isna kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland
Dawlada hoose ee magaalada Hargeisa ee uu gudoomiyaha u yahay Maayir Cabdiraxman Maxamuud Caydiid ‘’Solteco’’ oo muddo xileedkiisu dhaafay muddadii sharciga ahayd ee ay golaha deegaanka joogi lahaayeen ayaa si wayn ugu guul daraystay inuu wax ka qabto baahiyaha aan tirada lahayn ee ka jira magaalada uu maayirka u yahay
Burburka iyo dayca ka jira wadooyinka Hargiesa ee maayirka uu ka yahay SOLTECO waxay keentay in dadwaynuhu ay iskood ugu deeqaan lacago ay iska soo ururiyeen oo 40% ah si ay wadooyin fiican u helaan, dhawaan ayay ahayd markii Degmooyin kamida Magaalada Hargeisa lagaga dhawaaqay maayar cusub oo u gaar ah kadib markii wadooyinka Magaalada Hargeisa waxba laga qaban waayay
Hadaba hadii qalabkii ay lahaayeen dadwaynuhu ee ay ahayd in iyaga wax loogu qabto dano gaar ah ay ku fushadaan cid gaar ahi waxay horseedi doontaa gadood dadwayne iyo cawaaqib xumo aan laga soo wiiqsan waxaanay sharaf dhac ku noqon doonta madaxwaynaha Somaliland

Shirkada Somaliland Hono Group (Cumaaniga)
****************************************
Shirkadan oo uu mulkiile ka yahay Cabdirisaaq CUMAANI ayaa hore loo siiyay mashruucii dhismaha madaarka Cigaal kaas oo lacag gaadhaysa 10 Million oo dollar ay ugu deeqday dawlada dalka Kuwayt, balse mashrucii dhismaha ee garoonka cigaal ee la lunsaday ayaa wali dadka reer Somaliland is waydiinayaan halka ay martay maadaama aanay muuqan haba yaraatee wax ka qabasho iyo dhisme lagu kordhiyay madaarka Cigaal oo lacag 10 Million oo dollar ahi ku baxday!
Sidoo kale shirkadan ayaa si eex ah loo siiyay wakhtigii dawladii SiiLaanyo mashaariic waddo oo dhawr ah oo ay kamid yihiin biriijyada isku xidha Magalada Barbara iyo Hargeisa oo tiraba dhwar jeer wax ka qabashadiisa ay lacago malaayiin ah ku qaadatay shirkadan balse aan sidii ay ahayd loo fulin
Sidoo kale waxa shirkadan hore loogu xidhay qandaraaska dhismaha madaarka magaalada Burco iyada oo aan guddi qandaraas marin tartana aan loo galin
Waxa sidoo kale jira wadooyiin dhawr ah oo dalka gudihiisa ku yaala oo shirkadan hore loo siiyay oo dhamaantood lacago malaayiin ah lagu bixIyay dhamantoodna dayacan oo lacagahoodii la musuqay
Doorkan ayaa sidii caadada ahayd shirkadan uu ganacsade Cumaani wataa ay damacsan tahay in la siiyo dhismaha wadada muhiimka u ah dhaqaalaha iyo isku socodka Somaliland ee Hargeisa ilaa Kala baydh oo isku xidha Somaliland iyo Ethiopia, waxaana marka loo eego mashaaricihii hore ee ay musuqeen khibaradii laga dhaxlayna la ogyahay waxa ay damacsan yihiin inay si caamo ah oo musuq ah hadana waddadaas oo 4 Million ku baxayso ay u qaadato
Hadii ay dhacdo in doorkanna si xaglin ah shirkadan ku caan baxday musuqa iyo caamaynta umada reer Somaliland lagu siiyo mashruuca dhismahan muhiimka ah waxay iyana bar madaw oo taariikhda gasha ku noqon doontaa madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi

La Soco Qaybaha Dambe Oo Aanu Ku Soo Gudbin Doono Magacyada Cid Kasta Oo Ku Lug Leh Musuqan, Haday Tahay Gudida Qandaraasyada, Xil Dhibaanada Golaha Deegaan iyo Masuuliyiin Kaleba.

W/Q: Axmed Maxamed Cilmi (Catooshe)
Master of Economic Policy and Planning

Sent from Yahoo Mail on Android

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this